Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay iscaawiyaan oo aysan gargaar ka sugin Hay’ado.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka logu baahan yahay in dhexdooda isku gargaaraan oo ay caawiyaan isla markaana ka shaqeeyaan samata bixinta dadka walaalahooda ee dhibaateysan.
C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay sidii Shacabka Puntland ay u gaari lahaayeen isku filnaasho iyo hormar.
Waxa uu ganacsatada iyo Shacabka Puntland ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan sidii loo badbaadin lahaa dadka dhibaateysan ee degaanada Puntland ku nool.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland waxaa ka jira abaaro daran kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana socda qorshe lagu badbaadinayo dadka abaaruhu ay saameeyeen.


