DHAGEYSO: Somaliland oo ganacsatada digniin adag u jeedisay

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Zamzam Cabdi Aadan ayaa ganacsatada Somaliland ugu baaqday in ay dhibaatada ka dhaafaan Shacabka Somaliland.

 

Waxa ay sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin in raashiinka lagu qaaliyeeyo Shacabka ku nool degaanada Somaliland isla markaana laga doonayo ganacsatada in ay u turaan shacabka.

 

Wasiirada ayaa sidoo kale tilmaantay in ay soo saaraan sharciyo lagu Xadidayo ganacsatada Somaliland hadii Ganacsatada ay raashiinka ku qaaliyeyaan shacabka.

 

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii loo Xakameyn lahaa ganacsiga degaanada Somaliland, kana shaqeynayaan hormarinta ganacsiga Somaliland.

 

Magaalooyin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa horay ugu dhacay Banaanbaxyo loogu soo horjeedo ganacsatada, waxa ayna sare u qaadeen qiimaha raashiinka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolosha dadka ku nool degaanada Somaliland.