11 Ruux oo ku geeriyootay gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi 11 Ruux ay ugu geeriyoodeen cudurka Shuban-biyoodka tiro intaasi ka badanna uu soo ritay.

Dadkaan ayaa badankood ku geeriyooday Isbitaalka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale degaanada hoos yimaada degmada Ceeldheer ayaa lagu soo waramaya in si weyn uu cudurkaasi uga dilaacay waxaana degaanadaasi ka mid ah Xalaneey, Hulcaduur, Howdleey, iyo Dalxiis sida ay sheegeen dadka degaanka.

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Ceeldheer ayaa sheegay in Isbitaalka  ay ka jirto dawo la’aan,islamarkaana aysan haysan waxyaabo ay ku daweeyaan dadka la geenay isbitaalka.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sababtay cuduro badan oo uu  ka mid yahay cudurka Shuban-biyoodka.