DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Gaas oo gaaray Magaalada Oslo

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha  Puntland ayaa safarkiisa uu ku marayo qaar ka mida wadamada wadamada Norwey, Sweden iyo Finland waxaa ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynha Puntland  oo ahayd mid si maqaam sare leh loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo oo ah Jaaliyad aad u abaabulan oo soo bandhigay galabta soo dhawayn ay ka muuqatay farshaxaninimo aad u heer saraysa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo garoonka caalamiga ah ee Oslo hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey ayaa si weyn ugaga mahadnaqay soo dhawaynta sharafta badan iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.

 

DSC_0016 DSC_0020 DSC_0021 DSC_0023

DSC_0004 DSC_0008 DSC_0011