Ciidamada Bare Hiiraale oo Kismayo gaaray.

Ururka Al-shabaab ayaa ku amray in ay ku biiraan maamulka Jubbland ama in ay kubiiraan Alshabaab, waxayna arintaas qalqal galisay joogitaanka Ciidamada Bare Hiiraale duleedka magaalada kismyo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose

Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay 50-askari ayaa ku sugnaa duleedka Magaalada Kismaayo tan iyo markii magaalada Kismaayo ay ku dagaallameen ciidamada maamulka Jubbaland iyo Barre Hiiraale.

Wareejinta ciidamada Barre Hiiraale ayaa qeyb ka ahayd heshiis dhawaan ka dhacay Kismaayo kaasoo ay gaareen dowladda Jubbaland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalkaas.

Markii ciidamada ay galeen magaalada Kismaayo waxaa la dajiyay xurmo gaar ah oo ciidamada halkaasoo ilaa hadda ay ku jiraan.