Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku toogtay labo nin

Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay labo nin oo ka mid ahaa rag hoobiyeyaal ka tuuraayay degmada Wadajir, waxaana sidoo kale ay qabteen Gaari ay wateen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay toogtay mid ka mid ah raggaasi oo isku dayay in uu dagaallamo , waxaana sidoo kale mid kale uu galay Guri ay degan yihiin dad Shacab ah, waxaana halkaasi ku toogtay Ciidamada Ammaanka.

Raggaan ayaa Xaafadda buulo Xuubeey ka tuuraayay Hoobiyeyaal , waxaana la sheegay hoobiyeyaal ay tuureen in ay ku dhaawacmeen Saddex qof.

Sidoo Kale Ciidamada ayaa qabtay Gaari ay wateen raggaasi.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa Xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacaayay Hoobiyeyaal ay waxyeelo kasoo gaaraysay dadka Shacabka ah.