1,800 oo Muhaajiriin ah oo lasoo badbaadiyay

Maraakiib laga leeyahay dalka Talyaaniga oo ku sugan badwaynta Mediterranean ayaa soo badbaadiyay in ka badan 1,800 muhaajiriin ah oo doomihii ay saarnaayeen ay sii dagaayeen.

Hawlgalkaan ayaa dhacay 24 kii Saac ee lasoo dhaafay.

Muddo isbuuc ah ayay doomahaani badda ku jireen iyadoo shidalkiina uu ka dhamaaday.

Qaar ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxa ay sheegeen in ay saarnaayeen Doomo ka sameysay Baco.

Muhaajirintaas ayaa dalka talyaaniga la geeyay ,iyadoona Xaaladooda Caafimaad halkaasi lagula tacaalaayo.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa badankood ah Afrikaan, waxaana ay kasoo jeedaan Bariga Afrika iyo Galbeedka Afrika.

Dalal badan oo qaaradda Yurub ku yaala ayay sanadkan gaareen muhaajiriin aad u badan.

Qulqulka muhaajiriinta ayaana ka mid ah arrimaha ugu waawayn ee hor yaala dalalka ku jira Midawga Yurub.

Xaaladda muhaajiriinta waxaa sii huriyay colaadaha sokeeye ee ka taagan dalalka Suuriya iyo liibiya oo dagaalka ka jirta ay sii dheertahay in uu marin u yahay muhaajiriinra Afrika ka taga.