Ciidamada AMISOM oo xiray qaar kamid ah Odayaasha Buulo Burde

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee  ku sugan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas,kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ilaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka Cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle,kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle  ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Hayeeshee uu sheegay in taasi ay keentay in balantii ay la galeen Madaxda Hir-Shabeelle ay uga baxeen taas oo aheyd in wax Maamul ah aan markale loo soo Magacaabi Karin degmada.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle ay Odayaasha Dhaqanka ku dalbadeen Ciidamada AMISOM,isla markaana ay xireen Ciidamada Jabuuti  Odayaal uu isaga ka mid yahay.

Xariga la sheegay in Ciidamada AMISOM ay u geysteen Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay imaaneysaa xilli saakay degmadaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Cusub oo ay u soo Magacaabeen degmadaas.