Agaasimaha CIA-da Mike Pompeo ayaa sheegay in aanay aad isku dhimin farogelinta Ruushku ka wado Yurub iyo Maraykanku tan iyo intii Moscow lagu eedeeyey inay farogelisay doorashadii 2016-kii. Wuxuu BBC-da u sheegay inu uu filayo in Ruushku isku dayi dooni inuu sidoo kal farogeliyo doorashooyinka Senate-ka iyo Congress-ka ee dhici doona bisha Noofember.
Mike Pompeo ayaa BBC-da u sheegay in aanay is dhimayn isku dayada khalkhal galinta ah ee Ruushku k wado Yurub iyo Maraykanka, laakiin waxa uu inta aku daray in hay’adiisu qaaday talaabooyin ay arimahaa kaga hortagayso.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay suurto galtahay in ay Kuuriyada Woqooyi dhawr bilood gudahood ku awoodi karto in ay gantaalo nukliyeer ah ku weerarto Maraykanka. Wakaaladaha sirdoonka Maraykana ayaa sheegay in ay Rumaysanyihiin in Ruushku farogaliyey doorashadii madaxtooyada ee 2016-kii.
Pompeo, oo aroor walba madaxweynaha warbixin siiya ayaa ku sheegay wax aan wax ka soo qaad lahayn hadallo dhawaan soo baxay oo ahaa in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aanu wadi kari xilk loo doortay.
Xafiiska agaasimaha oo ku yaala dabaqa todobaad ee dhismaha xarunta u ah CIA da, ayaa waxa marka aad gasho ku arkaysa sawirada agaasimayashii isaga ka horeeyay oo gidaarka wada sudhan, waxaana cad iyo Pompeo ay ka go’antahay in meel marinta aragtidiisa hogaamineed ee uu doonayo inuu ku hago CIA-da ee uu Trump u magacaaay.
Pompeo oo sannad uun haya xilka ayaa sheegay in ujeedadiisu tahay sidii uu u yarayn lahaa culayska aan loo baahnayn ee saaran CIA-da. Taaso oo ah ka halw gasha dunid aan la saadaalin karin oo xiisadaha ka jiraa aanay dhalin karin uun faro galin milatari laakiin ay sidoo kale abuuri karaan ismaan dhaafyo sidaasadeed.