Kooxda Chelsea ayaa soo cusbooneysiisay xiisaheeda ah in ay la soo hishiiyaan tababaraha qaranka Talyaaniga ee Antonio Conte marka xilli ciyaareedka uu dhamaado
Chelsea ayaa kala xulan doonta sedex macalin oo kala ah Allegri oo Juve ah , Simeone iyo Conte ayaa haatan la xusayaaa in ay ku xasileen macalinka Conte
Sport360 ayaa sheegeysa in Chelsea kulan saacado qaatay ay saacadihii la soo dhaafay layeesheen wakiilka tababare Conte ayna isla meel dhigeen arimo ku aadan in macalinka uu qabto kooxdaas Chelsea
Chelsea oo bishii December xilka ka qaaday macalin Jose Mourinho ayaa u muuqata in aysan ku kalsooneyn tababare Hiddink kaasi oo shaqadaas si ku meel gaar ah loogu dhiibay oo ah illaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan
Tababare Conte ayaa dhankiisa dhawaan diiday in hishiis cusub uu u saxiixo qaranka Italy waxa ayna u badan tahay in marka ciyaaraha qaramada yurub soo dhamadaan xagaagaan ee France ka dhacaya in uu ka huleelo qaranka Italy


