David Luiz ayaa gacanta loo geliyey maaliyada No.30 ka dib markii uu ku soo laabtay Chelsea isagoo kasoo dhaqaaqay Paris Saint-Germain habenkii ugu dambeeyay suuqa.
Xiddiga reer Brazil ayaa ugu dhaqaaqay Stamford Bridge lacag £ 38m ah, kaliya laba sano ka dib markii uu kooxda heysta Horyaalka France ugu biiray Bules.
Luiz oo aad ujecel maaliyada No.4 waxaa hadda kooxda ka wata Cesc Fabregas oo khadka dhaxe ka ciyaara.
Marcos Alonso ayaa sidoo kale ku biiray Blues isagoo kaga soo dhaqaaqay kooxda Fiorentina ,waxaana la gudoonsiiyay NO.3 ee kooxda.
xiddigan 25-sano jirka ah, ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxaha Bolton Wanderers iyo Sunderland,
Guud ahaan ciyaartooyda ayaa sidaan u wata Lambarada
- Asmir Begovic
- Branislav Ivanovic
- Marcos Alonso
- Cesc Fabregas
- Kurt Zouma
- N’Golo Kante
- Oscar
- Eden Hazard
- Pedro
- John Mikel Obi
- Thibaut Courtois
- Victor Moses
- Diego Costa
- Nemanja Matic
- Willian
- Michy Batshuayi
- Gary Cahill
- John Terry
- Cesar Azpilicueta
- Nathaniel Chalobah
- David Luiz
- Eduardo


