Anthony Martial Iyo Olivier Giroud Oo Sababay In France Ay Garaacdo Italy

Hogaamiyaha cusub ee xulka Italy Giampiero Ventura ayaa guul daro ku bilaawday maalmihiisa xulka Italy kadib markii lagu qaarijiyay 3-1 ciyaar saaxibtinimo oo ay la ciyaareen France xalay.

Azzuri ayaa durba jihada laga lumiyay daqiiqadii 16 aad ee bilawgii ciyaarta markii uu gool ugu shubay xidiga Man United Anthony Martial, laakiin 4 daqiiqo uun kadib Graziano Pelle ayaa gool caaqibo leh ciyaarta kaga dhigay 1-1.

Si kastaba France ayaa kusoo laabatay hogaanka markii uu Olivier Giroud uu lugta bidix ku dhameystirtay kubad is jiid jiid soo martay taas oo keentay in lagu kala nasto 2-1.

Paul Pogba ayaa caawiyay goolkii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxaana goolka sadexaad u dhaliyay France ciyaariyahan Layvin Kurzawa .

Tababaraha xulka Italy ayaa xalay safay 17 jirka goolka qabta ee Gianluigi Donnarumma waxaana uu ahaa kulankiisii koowaad ee xulka waa weyn.