Chelsea iyo Arsenal oo Qarka u saaran soo qaadashada laacib ka Tirsan Real Madrid

kooxaha ugu waaweeyn magaalada London ayaa loolan adag u galaya qaabki ay ku soo qaadan lahaayeen xidiga gadoodka ka ah kooxda Madrid ee Isco.

Laacibka reer spain ayaa lagu wadaa in uu isaga tagi doono kooxda madrid kadib markii uu booska joogtada ah ka waayay kooxda caasimada ka dhisan.

Chelsea ayaa dooneysa in ay ka faa’iideesato cilaaqaadka wanaagsan ee kala dhaxeeya maamulka kooxda Madrid ayna si fudud ku soo qaataan Isco.

Arsenal waa koox kale oo iyana dhankeeda aad u daneyneesa in ay wiilkaan si fudud ku soo xero geliyaan maadaama uu howl gab ka noqday wiilka reer Germany ee Ozil.