Qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa jecel inuu sii joogo horyaalka Ingiriiska xataa hadii uu ka tago Manchester City sidaas waxaa ogaaneysa saxaafada.
Xidiga qadka dhexe ee qaranka Ivory Cost ayaa kaliya hal sano uu uga harsan yahay heshiiskiisa kooxda Man City, wakiilkiisa ayaana sheegay in Toure uu rajeynayo inuu City ka tago marka uu dhamaado horyaalkan
Mustaqbalka Toure ayaa sidoo kale uu shaki weyn ku jiraa kadib markii ay kooxda Man City ku dhawaaqday iney tababaraheeda cusub yahay Pep Guardiola, macalinkan reer Spain ayaana ahaa ninkii Barcelona kasoo ceyriyay ciyaaryahankan sanadkii 2010-kii.
Kooxda ka dhisan horyaalka China ee Shanghai SIPG iyo sidoo kale naadiga Italy ka dhisan ee Inter Milan ayaa si weyn loola xariirinayaa Yaya Toure.
Hase ahaatee Wargeyska Guardian ayaa ogaanaya in Toure uu doonayo inuu la shaqeeyo Guardiola, hadiise la ceyriyo uu sii joogi doono horyaalka Ingiriiska.
Toure, oo bisha May ee sanadkan noqon doona 33 sano jir ayaa kamid ah ciyaaryahanada ugu mushaarka badan horyaalka Ingiriiska waxaana uu todobaadkii qaataa £200,000.
Xidigan ayaa wali qeyb ka ah shaxda koobaad ee macalin Pellegrini isagoo saftay 37 kulan xili ciyaareedkan, halka uu kooxdiisa ka caawiyay iney ku guuleystaan Capital One Cup.
Kooxaha Chelsea, Man United iyo Arsenal ayaa la fahansan yahay iney isku dili doonaan saxiixa Toure hadii uu go’aansado inuu sii joogo horyaalka Ingiriiska marka uu dhamaado heshiiskiisa City.
Si kastaba, Toure ayaa caawa kasoo muuqan doona kulanka Champions League ee Dynamo Kiev kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii ugu danbeeyay.


