Shaqaallaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay in ay iskaga baxaan Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii ay soo wajahday Cabsi.
Qaar ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda DP World ee ku sugan Magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ayaa sheegay in Noolashooda ay halis ku jirto xilli walba ka dib markii dhawaan la dilay Madaxii Shirkadda ee Boosaaso.
Madaxa DP World Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP in shaqaallaha ay bilaabeen in ay kasoo baxaan Soomaaliya, kuwooda Ajaanibta ka dib markii ay la kulmeen Hanjabaado kala duwan.
Waxaa uu xusay in ay wax badan ka badali doonaan Hanaanka Ammaanka ee Shaqaallaha ku sugan dekedda Magaalada Boosaaso.
Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu diley madaxii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World u qaabilsanaa dekadda magaalada Boosaaso oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa Bishii February.
Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabaab.