C/raxmaan Cabdishakuur “ Farmaajo waa fashilmay qorshihiisana waa uu fashilmay”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay banaanabxa ku qabanayaan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondhgeere welina ka tanaasulin.

C/raxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay waxaa uu sheegay in hadalkii xalay ee Madaxweynaha Puntland uu fashiliyay qorsho doorasho been ah oo uu waday Madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Farmaajo uu isku dayi doono in uu ku dhaco isqarxintii ugu dambeeysa, waxaana uu dadka reer Muqdisho ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan.

“Xalay hadalkii Saciid Deni waxa uu fashiliyay doorasho been ah oo meeshan ka socotay,Farmaajo waa fashilmay qorshihiisana waa uu fashilmay, Farmaajo waxa uu isku dayi doonaa in uu ku dhaco isqarxintii ugu dambeye waxaan rabaa in dadka reer Muqdisho ay digtoonaadaan ayuu yiri ”  C/raxmaan Cabdishakuur