C/raxmaan C/Shakuur” Muqdisho waxaa ay u baahan tahay Matalaad iyo maqaam isla socda

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka qeyb-galay munaasad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xilligana dalka,isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sheegay in tallaaba walba oo ay qaadeyso dowladda soomaaliya ay tahay mid ay kaga dayato ama kasoo minguuriso Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,isaga oo si kafta ah u yiri” (ABIY AXMED WUXUU XIRAY JAWAAR MAXAMED OO MUCAARADSANAA EE HALEYGA WAR HAAYO).

Cabdiraxmaan Cabdhi Shakuur oo ka hadlayay ansixintii Golaha Shacabka ee Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka Sare, ayaa waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid dadka lagu jahwareerinayo,hayeeshee Muqdisho ay u baahan tahay Matalaad iyo maqaam isla socota.

Arrimaha la xiriira Maqaamka Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay ka mid aheyd waxyaabihii loo eryay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed,xilli uu waday shirar maqaam gaar ah loogu sameynayo Gobolka Banaadir.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa khudbadda uu ka jeediyay munaasad uu soo qaban qaabiyay Xisbigiisa waxaa uu eed kala dul-dhacay Madaxda Sare e dalka oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed Madaxa isu gelinayaan.