Tartanka Koobka Qaramada Afrika oo dib loo dhigay

Tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa dib loo dhigay kaas oo lagu waday in sannadka 2021 lagu qabto dalka Cameroon safmarka cudurka Corona awgii.

Waxaana haatan lagu qaban doonaa sannadka 2022-ka waddanka Cameroon.

Tartanka Qaramada Afrika ayaa la filayay in uu dhaco bilaha Jannaayo iyo Febraayo ee sannadka nagu soo aadan.