Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gacanta waxaa ay ku dhigeen Rag Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa xilli ay doonayeen inay dhac u geystaan.
Raggaan oo laba ahaa ayaa xilli habeen ah waxaa ay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid 21-kii Bishii June ku dileen Cabduqaadir Cabdullahi Goosaar,xilli ay doonayeen inay ka dhacaan Mootada labada lug leh ee loo yaqaano Fekenta, iyaga oo xilligaasi baxsaday.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan dheer oo la sameeyay kadib ay suurtagasha in gacanta lagu soo dhigo labadii Nin ee dilkaasi geystay iyo mootadii ay ka dhaceen oo la sheegay inay iibsadeen,balse la soo celiyay.