Booliska Soomaaliya ayaa maanta markale magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ku gubay Qaad/ ama Jaad la sheegay in si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kaaraan ayaa soo bandhigay labo boqol iyo in ka badan Marduuf Qaad ah, kaasi oo lagu gubay fagaare ku yaala degmadaasi.
Booliska ayaa sheegay in Jaadkaan dalka lagu soo geliyey Doon ka keentay dalka Kenya, iyadoo u jeedku ahaa in ay ka dhuuntaan canshuurta dowladda.
“Hadii qaadka uusan soo marin wasaaradda maaliyadda waa ‘kotorobaan’ waxaana nagu waajib ah in aan qabano oo gubno sida maanta dhacday oo kale,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Sidoo kale waxaa uu digniin uu diray ganacsatada ku howlan in ay qaad sharci daro ah dalka soo geliyaan, isagoona xusay in ay talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan.
Dowladda Soomaaliya ma diidana in dalka la keeno qaadka ama laga ganacsado, balse waxay cadeysay in la diidan yahay oo lala dagaalamayo ganacsatada ka dhuumaneysa canshuurta.
Canshuur badan ayaa saaran Qaadka markii uu ka soo dego garoonka Muqdisho, balse markii dalka lagu soo geliyo doon ama gaadiid waxaa la sheegay inuu ka lacag yaryahay wax badan kan diyaaraduhu keenaan.



