UK OO SAFIIR CUSUB U SOO MAGACWDAY SOOMAALIYA

Safirka cusub oo lagu magacaabo Charles King, ayaa bedeli doona Mr Michael Nithavrianakis oo haddaa xilku ka dhammaaday; wuxuuna si rasmi ah safiirka cusub u shaqo bilaabi doonaa bish May 2025.

Danjiraha cusub ee UK, Charles King ayaa kasoo shaqeeyay dalal badan oo ay ka mid yihiine, Syria, Libya, Iraq. Israel iyo dalal kale.

Shaqooyinkiisa uugu badan ee uu soo qabtay waxa ka mid ah amniga caalamiga ah, siyaasadda gobolka iyo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga laba geesoodka ah.

Dowladda Britain ayaa muddooyiinkii u dambeeyay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya.

UK ayaa safaaradeeda dib uga furatay magaalada Muqdisho sanadkii 2013-kii, kadib muddo 22-sano ah oo ay ka maqneyd.

Dalka Britain ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub ee xilligaasi safaarad ka furtay Muqdisho.