Wasiiro caan ah oo la filayo in xilka laga qaado iyo Wararkii ugu danbeysay isku shaandheynta Golaha Wasiirada Xukuumadda Xamse Cabdi Barre

Wararka laga helayo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe isku shaandheyn ah oo lagu sameynayo Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ilo xogogaal noo sheegeen waxaa la filayaa inay xilalka laga qaado wasiiro muhiim, halka golaha wasiirada lagu soo dari doono xubno cusub.

Isku shaandheynta Miiska saaran ayaa la sheegay inay noqon doonto mid kooban oo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre Barre ku kala bedeli doono ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiir, ku xigeeno iyo wasiiru dowlweyaal.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in wasiirada halista ugu jira xil ka qaadista ay ka mid yihiin:
1- Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur
2- Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Mukhtaar Roobow Cali
3- Waxa kaloo wasiirada laga cabsi qabo in xilka laga qaado ka mida: Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan
4- Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Fardowsa Cismaan Dhoore.

Guddoomiyaha Golah shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhegan oo muddo dheer dadaal ugu jiray in xilka laga qaaro Wasiirada Gaashaandhigga iyo Diinta oo ku yimid, kuna jooga rabitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh, balse xilligan halis ku jira.

Isku shaandheyntan ayaa la sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay si loo dejiyo kacdoonka xildhibaannada mucaaradka ee wada mooshinka kalsoonida kala noqoshada xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka oo dib u dhac ku yimid ayaa furmaya abtida soo socota ee 22-ka Febraayo, iyadoo ay Xildhibaanno badan oo Mucaarad ah isu diyaariyeen inay ridista xukuumadda Xamse.

Ma cadda inay isku shaandheyntan ka hortegi doonto mooshinka dul saaran xukuumadda, balse Baarlamaanka 11-aad ayey hore Mucaaradka ugu eedeeyeen inuu yahaya fadhiid ay awood ku leedahay Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii Waxaa muddo dheer caado ahayd in sanadka ugu danbeeya muddo xileedka dowlad kasta ay soo baxaan mooshino lagu ridayo xukuumadda jirta, magacaabista ra’iisal wasaare cusub iyo xiisado siyaasaddeed oo jiitama ilaa xilliga Doorashada oo xilligan hubanti la’aan ka jirto.