Taliska Ciidanka Magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Hargeysa ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.



