Booliska oo ka hadlay weerarka ka dhacay Garoonka Aadan-Cadde

Kadib markii rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay weerareen Goobo kuyaalla Garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa ka hadlay Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in laba shaqsi oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan  qeyb ka mid ah  xero ku dhaw Airpor.ka dhinaca xerada mariino balse ay hor istaageen Ciidanka amaanka.

Weerarka ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Garoonka , waxaana saameyn weyn uu ku yeeshay duulimaadyada.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay weerarka, waxaana laamaha amniga weli aysan fah faahin rasmi ah ka bixin khasaaraha ka dhashay.