Booliska Minnesota oo baaraya Toogasho loo geystay wiil Soomaali ah.

Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in uu u geeriyooday toogasho aan la ogeyn cidi u geysatay taa oo dhacday Talaadadii aynu soo dhaafnay.

Wiilkan Soomaaliga oo aan la shaacin magaciisa ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana uu u yeeray Booliska si ay u caawiyaan.

Balse waxa uusan u sheegin  Booliska cidda isaga toogatay, intaa kadibna  isbitaalka ayaa loo qaaday  “Waan harraadsanahay,” ayuu u sheegay booliska, dhakhaatiirta joogtay Isbitaalka la geeyay ayaa la tacaalay xaalada wiilkan, ka hor inta uusan u geeriyoonin.

Soomaalida ku nool Minnesota ayaa sheegay in ay si weyn kaga niyad jabeen Booliska, inkastoo ay ka jawaabtay arrintan gabadha asalkeedu yahay Soomaali kana mid ah Congress-ka oo gobolkan matasha, waxa ay Soomaalida ugu baaqday in ay si haw ula shaqeeyaan ciidamda ammaanka.

Falalka toogashada ah oo ka dhaca Minnesota ayaa inta waxaa lagu eedeeyaa in ay geystaan dhallinyarada Afrikaan ah. Laakiin qaar ka mida saraakiisha halkan ayaa rumaysan in ay jiraan arrimo ku saabsan isku-dhafka dhaqanka ku lug leh bulshada soogalootiga Soomaalida ah, loona baahan yahay halgan labada dhinac ah si loo sii wanaajiyo xiriirka booliska iyo bulshada Soomaaliyed.

“Marka ay halkan yimaadaan, waxay la yimaadaan waayo-aragnimadooda iyaga oo aan ku kalsoonayn Booliska. Dhibaatada naga haysata waxay naga dhigeysaa inaan isku dayno inaan wada shaqeyno, “ayuu yiri mid ka mid ah sarkaalka fulinta sharciga. “Waxay badanaa wacaan 911 markay u baahan yihiin caawimaad. Laakiin markii aan soo gaarno, badanaaba ma sheegaan cidda dhibaatada geysatay si aan tallaabo uga qaadno ama u joojino dambiga in mar kale uu dhaco. ”

“Hadafkayagu waa inaan xiriir wanaagsan la yeelanaa bulshada halkan,”sarkaal kale ayaa hoosta ka xariiqay.

Sida laga soo xigtay xogta la soo ururiyay sannadkii hore oo ay soo daabacday Washington Post, in ka badan kala bar dhammaan dadka ku nool gobolka Minnesota ee in aan la xalin dhibaatooyin soo gaaray. Waxaana qayb ka ah Soomaalida ku nool Minneapolis sababo la xiriira in aysan la hadlin booliska, sida ay sheegeen saraakiisha.

Minnesota hadda waxay hoy u tahay bulsho ay ugu badan tahay Soomaalida, waxaana ay wacad ku mareen laamaha amniga in ay baaris dhab ah ay ku sameyn doonaan dilkan,tallaabo adagna ay ka qaadi doonaan cidii ay kusoo baxdo in ay ka dambeyso.