Bayern Munich oo ceyrisay tababaraheedii

Kooxda Bayern Munich ayaa ceyrisay tababaraheedii Niko Kovac, 24 saac kadib markii kooxda heysata horyaalka Jarmalka ay guuldarro 5-1 ah ka soo gaartay kooxda Eintracht Frankfurt.

Waa guuldaradoodii ugu xumeyd horyaalka Bundesliga  muddo 10 sano ah kadib.

“Go’aanka wadajirka ah ee laga qaatay tababaraha ayaa yimid dib wadahadalo ay yeeesheen madaxweynaha kooxda Uli Hoeness, gudoomiyaha kooxda Karl-Heinz Rummenigge, iyo agaasimaha isboortiga Hasan Salihamidzic iyo Kovac laftiisa.

“Qaab ciyaareedkii kooxdeena isbuucyadii la soo dhaafay iyo natiijooyinka ayaa na tusay in loo baahan yahay wax qabad muuqda iyo isbedel” ayuu yiri Rummenigge.

Dhamaanteen waan ka qoomameyneynaa arinkaan. Waxaan jeclaan laheyn inaan uga mahadceliyo Niko Kovac shaqadiisa anigoo ku hadlaya magaca FC Bayern shaqadiisa gaar ahaan guushii xilli ciyaareedkii hore.

Kaaliyaha tababaraha Hansi Flick ayaa la wareegi doonta kooxda illaa lagu dhawaaqayo tababarha cusub ee kooxda”, ayaa lagu daray bayaan soo baxay

48-sano jirkii hore ee xulka Croatia ayaa rumeysan inay tahay tallaabadii saxda ahayd ee kooxda qaadan laheyd, kadib kaalinta afaraad iyo niyad jab kooxda kujirtay Kovac ayaa yiri.

: “Waxaan u maleynayaa inuu yahay go’aankii saxda ahaa ee kooxda waqtigan qaadan laheyd.

Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo FC Bayern 18kii bilood ee la soo dhaafay oo aan ku sugnaaa. Waqtigaas kooxdeena ayaa ku guuleysatay Bundesliga, DFB Cup iyo Supercup. Waxay ahayd waqti fiican. Waxaan u rajeynayaa kooxda iyo taageerayaasha sida ugu wanaagsan.

Bayern ayaa ciyaari doonta kulanka Champions League ee kooxda Olympiakos Arbacada ka hor inta aysan la kulmin kooxda ay xafiiltamaan ee Borussia Dortmund sabtida.

Guuldarradii ka soo gaartay Eintracht ayaa aheyd guuldaradii ugu xumeyd ee soo gaartay kooxda tan iyo markii ay si xunx ugu soo garaaceen Wolfsburg isla natiijadaan oo kale bishii Abriil 2009.

10-ka nin oo Bayern ah ayaa waxaa xasuuqay Eintracht ka dib markii daafaca Jerome Boateng casaan la siiyay daqiiqadii sagaalaad, taasoo ka dhigeysa mustaqbalka Kovac mid soo idlaaday.

“Waan ogahay sida ay xaaladu tahay – doqon ma ihi,” ayuu yiri Kovac ciyaarta kadib.

Bayern ayaa guuleysatay kaliya shan ka mid ah 10kii kulan ee u dambeysay Bundesliga, taasoo ka dhigtay inay 18 dhibcood yeeshaan waxaana ay afar dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Borussia Moenchengladbach.

Wargeyska ugu sareeya Jarmalka ee Bild ayaa qoray goor hore in wiilasha Munich ay lumiyeen kalsoonidii ay u hayeen tabbaare Kovac.

Ciyaartoyda ayaa dhaleeceynayay had iyo jeer falsada uu isticmaaalo tababarahooda, iyagoo xaaalad adag ka dhax abuuray qolka labiska, sida ay qortay Daily Mail.

Ka bixitaanka Kovac kooxda, Bayern ayaa rajeyneysa inay sii wadato guulaheeda xilli ciyaareedka.

Salihamidzic ayaa yiri: “Waxaan haatan ka rajaynayaa kooxda horumar wanaagsan oo ka yimaada ciyaartoydeena iyo rabitaan buuxda oo aan ku qabano si shaqada xilli ciyaareedka.

Ka dib markii uu ka qaaday Bavarians finalkii German Cup ciyaartii ugu dambeysay ee uu macalin u ahaa Eintracht 2018, Kovac wuxuu ku guuleystay Bundesliga iyo Koobkii Jarmalka sanadkiisii ugu horreeyay ee Bayern.

Hal bil ka hor, mustaqbalka Kovac ee Bayern wuxuu u muuqday mid la isku haleyn karo ka dib markii uu 7-2 kaga badiyey kooxda Finalka Champions League gaartay xili ciyaareedkii hore ee Tottenham oo ku sugan London.

Tababarihii hore ee kooxda Juventus Massimiliano Allegri, Jose Mourinho iyo Arsene Wenger ayaa ka mid ah tababarayaasha ay suurtogalka tahay in la magcaabo saacadaha sooo socda..