Barcelona & Real Madrid oo isku heysta Ciyaaryahan Caan ah

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay talaabo u qaaday sidii ay ku heli laheyd Adama Traore ka dib markii ay ogaadeen in Real Madrid ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga garabka uga ciyaara Wolverhampton Wanderers.

Qaab ciyaareedka 24-jirkaan uu kujiro xilli ciyaareedkan ayaa la fahamsan yahay inuu soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Yurub, isagoo dhaliyay afar gool isla markaana caawiyay 7 kale 24 kulan oo uu saftay Premier League.

Traore wuxuu mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Barcelona laakiin afar kulan oo sare ayuu u saftay kooxda ka hor inta uusan ku biirin Aston Villa 2015.

Kooxda reer Spain ayaa haatan lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso ciyaaryahanka inay dib ugu soo celiso Camp Nou, Daily Mail ayaa sheegeysa inay haatan dardar geliyeen qorshayaashooda iyagoo isku dayaya inay saxiixiisa kaga adkaadaan Real Madrid.

Labada naadi midkoodna wali si rasmi ah ugama uusan dirin dalab Traore, laakiin labadoodaba waxaa la fahamsan yahay inay xiiseynayaan isla markaana ciyaaryahanka laftiisa ayaa dhawaan qirtay inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo midkood.

Traore ayaa haatan qandaraas uu kula jiro Wolves wuxuu socan doona ilaa 2023, taasoo la micno ah in kooxda Nuno Espirito Santo ay u badan tahay inay qarash sarre weydiisato kooxaha doonaya ciyaaryahanka.