Barcelona Oo Wadahadalo Kula Jirta Weeraryahan 32-gool Dhaliyay 34 Kulan Oo Uu Saftay

Barcelona ayaa soo gashay wadahadalada weeraryahanka Benfica Jonas, sida laga soo xigtay wakiilkiisa.

32-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkii 2015-16 markii uu dhaliyay 32 gool 34 kulan oo uu usaftay kooxdiisa Benfica oo hanatay horyaalka Primeira Liga.

Barca ayaa sidoo kale lala xiriirinayay weeraryahanka Atletico Madrid Luciano Vietto, iyagoo doonaysa saxiixa weeraryahan bedel u noqday Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

“Qof ayaa nala soo xiriiray watay magaca BArcelona waxa uu wax naga weydiiyay xaalada ciyaaryahanka ayuu yiri wakiilkiisa.

Barcelona ayaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore waxa ay wakiilo daawada u dirtay Jonas oo soo jiitay macalinka Enrique.