Barcelona oo Wada hadalo Deg Deg ah la furtay Wakiilka Kylian Mbappe

Barcelona ayaa wadahadalo lama filaan ah la bilowday Kylian Mbappe, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Spain.

Kooxda reer Catalan ayaa dooneysa bedelka Neymar oo £ 198million ugu dhaqaaaqaya kooxda Paris Saint-Germain ee dalka France.

Lacagta ay ka helaan waxay u isticmaali karaan in ay kusoo xero geliyaan xiddiga bartilmaameedka sare u ah kooxda Real Madrid ee Mbappe.

Kooxda Faransiiska ayaa diidan in ay lumiyaan weeraryahanka 18 sanno jirka ah, kaasoo la shaaciyay toddobaad ka hor in qiimo £ 160m ah ugu dhaqaaqayo kooxda ka dhisan Madrid.

Sida ay qoreyso L’Equipe, Barcelona ayaa horumar deg deg ah ka sameysay saxiixa Kylian Mbappe , iyadoo si toos ah ula xiriirtay wakiilka ciyaaryahanka.

18-sano jirkaan waa mid ka mid ah xiddigaha Yurub loogu doonista badan yahay kadib markii uu dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Monaco ayaa dhawaan heshiis cusub miiska usaartay xiddiga weerarka ka ciyaara, laakiin waxa ay u muuqataa Mbappe inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa horyaalka French.