Arsenal oo lugtii 1-aad ee wareegga 16-ka Champions League-ga, 2-1 looga soo badiyay garoonkeeda ayaa booqatay Spain iyo gegida Camp Nou, si ay ula soo cayaarto Barcelona oo difaacadeysa tartankan.
Macallin Wenger ayaa wax badan ka baddelay shaxdiisii lugta kowaad, isagoo fursad siiyay qaar ka mid ah xiddigihiisa da’da yar,kuwaasoo shaqo wanaagsan qabtay, walow ay ku adkaatay inay u babac dhiggaan wiilasha Catalan.
Cayaarta ayaa ku bilaabatay dar-dar dhanka Arsenal ah,taasoo billowgiiba abuurtay dhowr fursadood oo cabsi gelisay Barcelona, laakiin guushii hore ayaa deganaan iyo cabsi la’aan siisay kooxda reer Spain.
Si waliba,caawinaad uu bixiyay Suarez ayaa waxaa daqiiqaddii 18-aad gool u baddelay Neymar,taas ayaana dhabar-jab weyn ku aheyd Gunners,maadama looga baahnaa in ugu yaraan ay ilaashato shabaqeeda.
Si cabsi la’aan ah ayay Arsenal ula dheeshay Barcelona, waxayna awood u yeelatay inay yareyso khatartii badneyd ee MSN,kuwaasoo aan abuurin fursado badan.
Iyadoo ay cayaarta 1-0 tahay ayuu Messi helay fursad goosha afkeeda aheyd, laakiin waxaa uu ku garaacay shabaq-ilaaliye Ospina.
Fursadii ugu fiiceyd ee Arsenal ayaa waxaa helay Sanchez iyo Welbeck oo labaduba ku sigtay inay goolal ka dhaliyaan Barcelona oo soo bareejeeyaan kadibna gool u saaraan, laakiin fursadahoodu ma noqonin kuwoo ay ka miro dhaliyeen.
Mohamed Elneny ayaa qeybtii hore si wanaagsan u maamulay khadka dhexe, iyadoo Alex Iwobi oo saftay kulankii ugu muhiimsanaa xirafadiisa uu is-baray taageerayaasha Gunners, isla markaana muujiyay sababta uu aaminaadda kaga helay Arsene Wenger.
Markii la;isku soo laabtay oo ay aheyd daqiiqaddii 51-aad, ayay Arsenal la timid bar-barraha waxaana goolka u dhaliyay Mohamed Elneny oo shabaqa dhex-dhigay darbo qrux badneyd oo uu caawinaadeeda ka helay Sanchez.
Waxay cayaarta socoto oo ay Gunners fursado abuurtaba, Luis Suarez ayaa daqiiqaddii 65-aad u labeeyay,kaasoo gool caaqibo lahaa oo wax badan la daawan doono shabaqa dhex-dhiggay.
Isla daqiiqad kadib goolkii Suarez, Danny Welbck ayaa ku sigtay inuu soo bar-barreeyo Barcelona, laakiin geesta birta sare ayuu kubadda ku xuqay.
Lionel Messi ayaa dhamaadkii cayaarta gool ka dhaliyay Arsenal, natiijo 3-1 ah oo ay guusha ku raacday Barcelona ayayna cayaarta kusoo dhamaatay.
Catalan ayaa sidaas ugu soo baxday wareegga 8 ee Champions League-ga, lutii 1- aad oo ay kusoo badisay 2-0 iyolugtii 2-aad oo iyadoo joogta Camp Nou ay ku badisay 3-1.