Barcelona ayaa Camp Nou ku gumaaday kooxda Osasuna waxayna kooxda Luis Enrique sii wadatay qaab ciyaareedkii ficnaa ee ay kulankii El Clasico-da ugu soo laabtay tartanka La Ligaha. Barcelona ayaa saddex dhibcood ku sii qabtay hogaanka La Ligaha waxayna ka war sugi doontaa kulanka Deportivo iyo Real Madrid.
Lionel Messi, Andre Gomes iyo Paco Alacer ayaa min laba gool ka dhaliyay kulankan halka Javier Mascherano uu goolkiisii abid ugu horeeyay ee Barcelona uu rekoodhe ku dhaliyay kadib markii uu 319 kulan ka soo muuqday Balaugrana. Barcelona ayaa 7:1 ku burburisay Osasuna.



