DHAGEYSO: Banaanbax looga soo horjeedo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka dhacay

Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Weerarkii dhawaan lagu qaaday Masjidka nabigeena Muxamed NNKH, ayaa maanta lagu qabtay Masjidka isbaheysiga  ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda culimada Soomaaliyeed ,waxaana ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Muqdisho.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay amniga goobaha ay ka dhacaayeen banaanbaxyada.

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkaasi,waxayna si weyn uga hadleen weerarkii naxdinta badnaa ee lagu Magaalada Madiina.

Gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo goobta ka hadlay ayaa muujiyay sida dadka muslimiinta ah ay uga xun yihiin weerarkii lagu qaaday banaanka hore Masjidka Nabigeena Muxamed NNKH.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ku hadlaysay magaca haweenka kunool gobolka Banaadir ayaa cambaareeysay weerarkaasi.

Goobta uu banaanbaxo ka dhacaayay ayaa waxaa isku soo baxay kumanaan qof oo wajiyadooda laga dheehan karoy sida ay ugu xun yihiin dhacdii foosha xumeyd ee ka dhacday dalka Sacuudi Carabiya.