Iyadoo shalay banaanbax looga soo horjeedo ururka Al-shabaab uu ka dhacay gobolka Nugaal,ayaa maanta waxaa magaalada Qardho ee gobolka Bari ka dhacay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen shacabka halkaasi ku nool.
Waxaana la sheegay in banaanbaxaasi looga soo horjeedo dadka ku nool gobolka Bari ee ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Banaanbaxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 3 qof, waxaana dadka dibadbaxa dhigayay ay ahaayeen kuwo rabshado wata.
Maamulka Puntland ayaanan wali ka hadlin rabshadaha deegaanadeeda ka socda.


