Ban Ki Moon oo xiritaanka Dhadhaab kala hadlay Uhuru Kenyatta

Brussels-RisaalaFM- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ku booriyay dowladda Kenya in ay kala shaqeyso Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dib u celinta Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab ee dhinacyada ay kala saxiixdeen sanadkii 2013-kii.

Kulan uu Ban Ki Moon Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula yeeshay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium oo lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayuu ku amaanay Kenya mudadii dheereyd ee ay marti gelisay Qaxootiga Dhadhaab ee Soomaalida u badan.

Bani Ki Moon ayaa ku dhiirigeliyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu kala shaqeeyo dowladda Soomaaliya iyo Hey’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR hirgelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhigayay in laga caawiyo Qaxootiga Soomaalida ee si iskood ah u doonaya in ay ku noqdaan wadankooda.

Mr.Ban ayaa dhinaca kale balan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso kaalmada bani aadnimo, hurumarineed iyo midda amni ee ay la garab taagantahay Soomaaliya iyo Kenya Labadaba.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda sidoo kale isku dhaafsaday aaraahdooda ku aadan guud ahaan amaanka, nabad gelyada, caqabadaha Soomaaliya ka jira.