Xaakimka Dowaldda Federaalka Argentina (Rodolfo Canicoba Corral) ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan hadii Lionel Messi uu dhibane u noqday dowladii uu madaxweyne ka ahaa Mauricio Merci oo xilka ka dagay sanadkii hore.
Kabtanka Barcelona ayaa kasoo muuqday liiska 60-ka qof ee xogahooda laga helay adeegga dakhliga Argentina (AFIP) iyo sidoo kale hay’adda laanta socdaalka.
Inkastoo baaritaanka la bilaabay 2020, laba sano ka hor wariyaha caanka ah ee Carlos Pagni ayaa u sheegay La Nacion in Messi la basaasay xogahiisana ay kasoo muuqdeen Pana Papers oo ah warbaahin mar walba soo bandhigta waxyaabaha qarsoodiga ah.
Corral wuxuu sameynayaa baaritaan ku saabsan hadii dowladii hore ay hab sharci ah u martay iney basaasto shaqsiyaadkaas uu ku jiro Lionel Messi.
Waxaa la qiyaasayaa in 23 xaakim oo ka socda Buenos Aires, 27 xaakim oo wadanka intiisa kale ka socda, 9 gudoomiye gobol, 9 wasiiro, 9 sharci dajiyayaal, 5 xeer ilaaliyaal iyo 9 ganacsade in la basaasay.