Zlatan Ibrahimovic ayaa diyaar u ah inuu ku biiro Manchester United xagaagan – laakiin taasi waxay dhaceysa kaliya marka Louis van Gaal uu ka tago kooxda, sida ay sheegayaan wararka.
Ibrahimovic ayaa qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain dhacayaa xagaagan, waxaana uu raadinayaa tartan cusub inuu ka ciyaaro.
34-sano jirkaan ayaa horey u sheegay in kooxo ka dhisan Premier League ay dalab usoo gudbiyeen goor hore.
Manchester United, Chelsea, Arsenal iyo West Ham ayaa dhamaan soo bandhigay xiisaha ay u qabaan weeraryahankan Zlatan Ibrahimovic.
Laakiin, sida laga soo xigtay Sky Sports, Ibrahimovic ayaa doonaya inuu ku biiro United, marka shaqada uu ka tago Van Gaal.


