Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo kusoo baxay doorashada Aqalka Sare

Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee ka socota Magaalada Muqdisho.

Ayuub waxaa uu helay codad gaaraya 39 cod.

Ergada goobta ayaa joogtay ayaa waxaa ay dhamaayeen 45 .

Waxaa Ayuub kursiga kula tartamaayay

Xuseen Ceelabe Faahiye

Maxamed Aadan Waaberi

Axmed Cabdi faahiye

Waxaa uu nasiib u yeeshay in uu ku guuleysto kursiga Aqalka Sare ee gobolka Awdal umatali dowladda Soomaaliya.

Ayuub ayaa ka mid ahaan  jiray Shaqaalaha Xafiiskii Ra’iisulwasaare Saacid.