Axmed Madoobe oo la kulmaya Amb Donald Yamamoto & Madax kale

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto,kuwaas oo ka ambabaxaya Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah taliyaha guud ee taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, Stephen Townsend,waxaana laga dareemayaa Kismaayo qaban qaabada soo dhaweyntooda.

Mas’uuliyiintaan ayaa markii ay tagaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,iyaga oo ka wada hadli doona arrimo farabadan oo aan weli la shaacin.

Horay waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland & Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamamoto,waxaana la sheegay in kulankaas uu horudhac u ahaa kulanka Maanta.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana sugaya ciidamada jubbaland & kuwa Kenya oo kamid ah AMISOM,waxaana dadka ku nool Magaalada Kismaayo ay sheegeen in Maanta siweyn Magaalada looga dareemay imaanashaha wafdiga ka socda Dowladda Mareykanka.