Halkee ayuu ku dambeeyaa Tababarihii hore ee Spurs Pochettino?

Mauricio Pochettino ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Premier League.

Ninka reer Argentine ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Tottenham Hotspur bishii Nofembar.

Ma cadda halka uu Pochettino shaqo ka qaban doono, laakiin wuxuu umuuqdaa inuu fursad siin doono sii joogista kooxaha Premier League.

“Si aan u noqdo qof daacad ah, waxaan jeclaan lahaa inaan ka shaqeeyo Premier League,” ayuu tababare reer Argentina u sheegay Sky Sports.

Way adkaan doontaa, waan ogahay, iminkana waa daqiiqad in la sugo waan arki doonaa waxa dhaca.

“Waa daqiiqad dib u soo kabasho ah, inaad ka fikirto naftaada xoogaa, iyo inaad diyaar ahaato maxaa yeelay kubada cagta had iyo jeer wax ayaa dhici kara oo waxaad u baahan tahay inaad diyaar ahaato.

Waxaan diyaar u ahay oo sugayaa tartan cusub. Waxaan aaminsanahay inaan kusoo laaban doono waqti fantastik ah.

Waxaan intaas uu ku daray: “Waxaan joogi jiray Argentina, waxaan joogay Qadar, waxaan joogay Spain waxaanan haystaa Jesus Perez oo kaaliyahayga ah kaasoo aan wada tashan doono,” ayuu yiri.

“Dhamaan shaqaalaha tababarka waxay aqbalaan inay jiraan xanta. Waxaan ula dhaqmeynaa xanta si dabiici ah.