Askari Xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Sida uu xaqiijiyay Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane Askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay Xaaskiisa ku dilay degmada Waabari.

Askariga dilay Xaaskiisa ayaa waxaa uu ka tirsanaa Saldhiga degmada Waabari.

” Maxamed Baniiin Ibrahim Waa Askari Katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xalay ayey Xaaskiisa oo Lagu Magacaabo Iftin Cusmaan Yusuf ay Xabad Uga Fakatay Waana Dhimatay” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhacdaan ay baaritaan ku sameyn doonaan.