Askari lagu toogtay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku toogteen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askarigaan ayaa ka tirsanaa Ciidamada Asluubta.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in Askariga oo ku sugnaa meel ku dhow laamiga Xaawo Taako in ay xabado la dhaceen, ka dibna ay baxsadeen.

Ciidamadu ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana halkaasi ay ka wadaan howlgallo.