Sida ay sheegeen ciidamada Booliska dalka Mareykanka nin watay Mindi ayaa Weerar ku qaaday arday wax ka baranaysay Jaamacadda Texas ee dalka Mareykanka .
Hal Arday ayaa dhintay sido kale Sideed kale dhaawacmay sida uu sheegay taliyaha Ciidamada Booliska Aaga ay wax ka dhaceen.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkaasi ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana baaritaan deg deg ah ay ku sameyn doonaan.
Weerarkaasi ayaa lagu tuhmaaya in uu geystay nin ka mid ahaa Ardayda Jaamacadda.



