Askari dowladda ka tirsan oo Nin Mooto Bajaajle ah ku dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Ex-Control ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu halkaasi ku dilay Nin Mooto Bajaajle ah.

Askariga dilka geystay ayaa celiyay ninkaan oo watay Mooto Bajaaj, kadibna waxa uu ku amray in uu bixiyo lacag, hayeeshe ninkii waday Mooto Bajaajta ayaa ka dhaga adeegay bixinta lacagtaasi.

Muran dhexmaray Askariga iyo ninka watay Mooto Bajaajta ayaa wuxuu sababay in askariga uu rasaas ku furo ninkaasi, kadibna xabadihii ay ku dhacaan ninkii waday Mootada.

Ninkii waday Mootada ayaa u geeriyooday rasaasta Askarigaasi uu ku furay Mootoolaha, waxaana askariga uu isku dayay in uu baxsado.

Ciidamada Booliska oo ka agdhawaa goobta ninkaasi dilka uu ka geystay ayaa durba gacanta ku soo dhigay ninka gacan ku dhiiglaha oo isku dayayay in uu baxsado.

Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa la geeyay Askariga falka dilka ah geystay halkaasi oo iminka lagu haayo.

Ciidamada dowladda ayaa dhibaatooyin kala duwan waxa ay u geystaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee Muqdisho ka dhex shaqeysta.