Tababaraha la filayo inuu Arsenal yimaado ee Mikel Arteta ayaa loo sheegay inuu iska iibiyo shan xiddig oo uu ku jiro weeraryahanka ahna kabtanka Pierre-Emerick Aubameyang.
Arteta ayaa la filayaa in isbuucaan loo magacaabo tababaraha joogta ah ee Arsenal inkastoo Manchester City ay weli ka sugeyso Arsenal inay si rasmi ah u la soo xiriirto.
Xiddigii hore ee khadka dhexe Arteta ayaa shan sannadood u ciyaaray Arsenal wuxuu seddexdii sannadood ee ugu danbeysay ahaa tababare ku xigeenka Pep Guardiola isagoo ka caawiyay City inay labo jeer oo isku xigta qaado horyaalka.
Xiddigii hore ee Republic of Ireland Tony Cascarino ayaa sheegay in Arteta uu wajahayo howl adag oo la xiriirta sidii uu ka yeeli lahaa xiddigaha waa weyn, isagoo soo jeediyay inuu iska diro Aubameyang, Alexandre Lacazette, Mesut Ozil, David Luiz iyo Shkodran Mustafi.
“Howsha ugu fiican ee uu wajahayo waa sidii uu u la tacaali lahaa ciyaartoyda waa weyn” ayuu Cascarino u sheegay The Times.
“Waxaan xusuustaa Ron Atkinson markii uu yimid Aston Villa inuu durbadiiba ugu yiri: ‘Waxaan ka iibiyay Celtic’
“Waa in Arteta uu sidaas u dhaqmaa, waa inuu ka bilaabaa Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette, David Luiz, Mesut Ozil iyo Shkodran Mustafi.’



