Arsene Wenger oo shiday suuqa kala iibsiga

Arsene Wenger ayaa sii shiday wararka kooxdiisa la xiriirinaya N’Golo Kante ,isagoo amaanay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester ka hor Euro 2016.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Dawacooyinku ayaa la ogsoon yahay in qandaraaskiisa lagu burburin karo £ 20million.

Waxa uu hore u xaqiijiyay in uu mustaqbalkiisa go’aan ka gaari doono dhamaadka tartanka Euro.

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay ulaba jibaarto mushaarka £ 35,000 ee uu ka qaato kooxdiisa todobaadkii, si ay isaga kaga dhaadhiciyaan inuu ugu soo dhaqaaqo Stamford Bridge, laakiin wuxuu u muuqda mid silama filaan ah ugu biiri kara Gunners ama PSG oo xiiso weyn u qaba.

Tababaraha Arsenal Wenger ayaa taageere weyn umuujiyay ciyaaryahanka ku guuleystay horyaalka Premier League.

“Waxaan jeclahay N’Golo Kanté qaabka uu u ciyaaro, waa xiddig fikrad badan leh,” ayuu u sheegay beIN Sports. “Waxa uu ku siinayaa dareen sare oo koox ahaann aad ku istareexdo ayuu hadalkiisa ku daray.