Arsene Wenger Oo Qirtay In Laga Ceyrin Karo Shaqada Arsenal

Arsene Wenger ayaa qiray in mustaqbalkiisa Arsenal uusan kujirin gacmihiisa, isagoo yiri: “Waxaan ahay shaqaale oo kaliya.

Gunners ayaa 3-0 qasaaro ah kala kulmay finalka Carabao Cup kooxda Manchester City, iyadoo taasi ay keentay in laga hadlo shaqada tababaraha France.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, iyagoo 27 dhibcood ka dambeya kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, waxaana taageerayaasha Gunners ay dalbanayaan inuu baxo Wenger.

Wenger oo saxiixay heshiis cusub oo labo sanno ah xagaagii hore, ayaa had iyo jeer ku adkeysanaya inuu sharfayo heshiiskiisa kooxda.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka caawa uu ku wajahayo Manchester City, macalinka reer France ayaa mar kale ku celiyay inuusan marnaba go’aan ka gaari karin shaqadiisa.

“Waxaan halkan joogaa 21 sano, mar walbana waxaan ixtiraamayaa qandaraaskeyga,” ayuu yiri Wenger.

“Waxaan ahay shaqaale, mana jiro go’aanka aan halkan kusii joogi karo oo kujira gacmaheyga “ayuu hadalkiisa ku daray Wenger.