Arsenal ayaa guul darro 2-1 ah kala kulantay Watford, sidaas ayayna uga hartay tartanka FA Cup-ka oo ay doonaysay inay difaacato,maadama ay qaadday sanadkii hore.
Arsene Wenger ayaa isku ciil kaambiyay in Arsenal ay u qallantay inay guul ka gaarto Watford” . Waqtigii cajiibka ahaa ee aan ku jirnay waa uu soo dhamaaday”. Qaab cayaareed aad u wanaagsan ayaan soo bandhignay, waxaana u qalanay guul”.
“Hambalyo Watford, Waxay abuureen fursado badan ,haddana waxay ka faa’ideysteen, waa murugo inaan ka harno FA Cup-ka”.
“Waa inaan noqdaa mid runta sheega, wax walbo ayay sameeyeen cayaartoyda, waana dadaaleen, laakiin nasiibka ayaa naga hiiliyay, mana la dagaali karno”.
” Waxay maanka ku heynay inaan difaacano koobkan, laakiin waddada ayaa noola galay,Waxaa waajib nnagu ah inaan jawaab bixino dhowaan”.
” Goolal khalad ahaa ayaa nagala dhaliyay, taas ayaana halista noo keentay”.


