Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wajahayaan suurtagalnimada uu garoomada kaga maqnaanayo Alexandre Lacazette kulanka furitaanka Premier League ee xilli ciyaareedka 2019-20 ay wajahayaan Newcastle United.
Lacazette ayaa canqowga ka dhaawacmay kulankii Lyon 28kii July, waxaana uu seegay labadii kulan ee ugu dambeysay ee ciyaaaraha saaxiibtinimo.
Sida laga soo xigtay The Sun, maqnaanshaha xiddiga reer France kulankii xalay ee Barcelona ayaa dhalisay cabsi laga qabo in 28 jirka uusan ciyaari doonin kulanka ay wajahayaan kooxda Steve Bruce furitaanka Horyaalka.
Lacazette ayaa ku raaxeystay xilli ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii 2018-19 kooxda Gunners, isagoo dhaliyay 19 gool waxaana uu caawiyay 13 kale 49 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.
Bilow adag ayay wajahayaan kooxda Unai Emery xilli ciyaareedka cusub iyagoo arkaya kooxaha Liverpool iyo Tottenham Hotspur labo ka mid ah afarta kulan ee ugu horeysa ka hor fasaxa caalamiga ah ee Sebtember.



