Weeraryahanka kooxda Juventus Mario Mandzukic ayaa qarka u saaran inuu u saxiixdo Manchester United, sida laga soo xigtay Daily Mail.
Romelu Lukaku, ayaa laga yaabaa inuu noqdo bedelka 33-jirkan, oo horey ugu soo ciyaaray kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich, ayaa lagu soo waramayaa inuu sanadkii qaadan doono 6.2 milyan ginni.
Dhanka kale, The Sun ayaa sheegeysa in Wayne Rooney uu doonayo inuu ku laabto United isagoo tababare ka noqon doona qeybta hoose ee kooxda.
Daafaca midig ee kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal Joao Cancelo, oo 25 jir ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu ugu biiri doono kooxda Man City aduun dhan 27.4 milyan ginni, heshiiskaas oo sidoo kale lagu dari doonaa daafaca reer Brazil Danilo oo u wareegaya dhanka Turin.
Daily Mail ayaa sheegeysa in Danilo, oo 28 jir ah, “is fahan daro” uu ay kala dhaxeyso tababaraha City Pep Guardiola.



