Arsenal ayaa baajisay xagaagaan tartanka Emirates Cup oo ay iyadu dhigto sabab la xiriirta jadwalka ciyaaraha Euro 2016.
Waa dhabarjab weyn ay la kulantay Gunners iyo taageerayaasheeda oo koobkan garoonkooda ku marti galiyaan hor xilli ciyaareedka cusub ee Premier League, iyadoo Arsenal ay ku guuleysatay afar ka mid ah sideed koob ee ugu dambeeyay.
Waa markii labaad oo Emirates Cup la baajiyo tan iyo 2009, xiligaas oo loo baajiyay sabab la xiriirtay ciyaarihii Olympic.


